Baabuurka ugu fiican baan kuu helaynaa.
Markaad Walser imaato, waxaad si toos ah ula shaqaynaysaa hal qof mar walba si ay kuu fududaato gadashada, waxaana haynaa dad af- Soomaali ku hadla oo diyaar ku ah. Waxaan si go’an inaan ka dhigno iibka baabuurka, maadaama aan nahay ganacsi qoys leh, waxaan aaminsanahay kalsoonida, daacadnimada, iyo bixinta adeeg kuu gaar ah.
Haddii aad u timid iib ama gaariga laguu sameeynaayo, waxaan halkaan u joognaa inaan ku caawino. Soo booqashada aan balan lahayn waa la soo dhaweynayaa, laakiin balan qaadashu waa habka ugu fiican aad waqti u badbaadin karto.
Baabuurka ugu fiican baan kuu helaynaa.
Waxaan aaminsanahay qiimeyn hufan iibsi oo aan dhib lahayn. Qaabkayaga qiimeynta gaarka ah, waxaad heli doontaa hal qiime oo hore loo sii sheegay, qof kaliya oo si toos ah kuu la xiriiro in si dhaqso ah aad ugu iibsato baabuurkaaga.
Communitiiga Muslimiinta, Walser Toyota waxaan ka bixinaa deyn oo bilaa riba ah oo si hufan oo anshax leh loo habeeyay. Su’aal ma qabtaa? Ku soo qor markaad balan samaynayso.
Markaad booqato Walser Toyota, communitiga Muslimiinta waan ku faraxsanahay inaan kuu soo dhaweeyno qol salaad faaruq ah oo lagu tukado, oo meel nadiif ah lagu weyseeysto, iyo roogag lagu tukado leh. Hadii aad su’aal leedhahay, markaad imaato, miiska hore uu tag.

Laga bilaabo taayirrada ilaa dayactiro ka sii adag, Walser Toyota Bloomington ayaa kuu diyaar ah. Walser Toyota waxay bixiyaan dayactir iyo hagaajin si ay baabuurkaaga ugu hayaan mid ammaan ah, la isku haleeyn karo, oo si fiican u shaqeynaya sanadaha soo socda.
